DHEGAYSO-Boqolaal Ciidan ah oo Saaka Dhooban Wadada Laamiga ah iyo Taliska oo Dagaal Shaaciyey.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno jiidaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in xaaladdu ay aad u cakiran tahay isla markaana ciidamadu ay isu diyaariyeen dagaalkii ugu dambeeyey.

Boqolaal ciidan ah oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa wadada dheer ee laamiga ah, waxaana ay sheegeen inay saacadaha soo socda bilaabi doonaan howlgalka xoraynta oo madaxweynuhu horay u balan qaaday.

Taliska guud ee ciidanka oo warbaahinta qaar la hadlay wuxuu sheegay inay xilligaan diyaarsan yihiin isla markaana howlgalku uu u bilaaban doono hanaankii loo qorsheeyey sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment