DHEGAYSO-Hub Caawa Gudoodi Lagu Geliyey Tukaraq iyo Puntland oo Dagaalkii Xalay Guul ka Sheegatay.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ah mid aad u cakiran waxaana laga cabsi qabaa inuu deegaankaasi mar kale ka qarxo dagaal kharaar oo u dhexeeya maamulada Puntland iyo Somaliland.

Saqdii dhexe ee caawa ayaa wararku sheegayaan in deegaanka lageeyey gaadiid dagaal iyo hub cusub oo lagu biiriyey ciidamada kumanaanka kor u dhaafaya ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Tuulada Tukaraq oo dagaal u joog noqotay tan iyo qabsashadii Somaliland.

Fiidnimadii hore dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Tukaraq waxaa guulo ka sheegtay saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Puntland gaar ahaan jabhadda xoraynta gobolka Sool oo la safan ciidamada difaaca Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO

Xiisadahaan soo cusboonaaday ee deegaanka Tukaraq ayaa ku soo beegmayaa xilli ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaliya Nicholos Haysom uu la kulmay madaxda Puntland iyo Somaliland uuna kala hadlay xaaladda Tukaraq.

Post Comment