DHEGAYSO-Tukaraq oo Dhimashadu Marayso 15 Askari iyo 6 Gaari oo Lagubey Kadib Dagaal Ciidamada Puntland & Somaliland.

Puntlandnews.ent (Tukaraq)-Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa xilligaan ah mid aad u culus, waxaana saacadihii ugu dambeeyey buux dhaafiyey gaadiidka dagaalka iyo ciidamo ka soo baxaya saldhiyada kuyaal Garoowe ilaa Laascaanood.

Goob jooge ku sugan Tukaraq oo aan goor dhoweyd xiriir la samaynay ayaa sheegay in ciidanka Somaliland ay si aad ah isu diyaariyeen isla markaana amar lagu siiyey inay dagaal isu diyaariyaan sida uu ka maqlay ciidanka tuulada soo gelaya.

Noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka iyo madaafiicda noocyadeeda kala duwan ayaa maanta waxaa lagu arkayaa deegaanada dhaca Koonfurta iyo bariga Tukaraq.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeyey ciidamada Somaliland iyo jabhadda xoreynta gobolka Sool ayaa sababay dhimashada 15 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland iyo dhaawaca tiro intaas kasii badan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO

Xiisadahaan soo cusboonaaday ee deegaanka Tukaraq ayaa ku soo beegmayaa xilli ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaliya Nicholos Haysom uu la kulmay madaxda Puntland iyo Somaliland uuna kala hadlay xaaladda Tukaraq.

Post Comment