DHEGAYSO-Wafti Ka Socda Somaliland oo Laaska Gaarey Kuna Wajahan Furimaha Dagaalka & Puntland oo Ciidamo Diraysa.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ku soo qulqulayey saraakiil iyo masuuliyiin wasiiro kujiraan oo ka socda xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Wararkii ugu dambeeyey ee ay helayso Puntlandnews ayaa sheegaya in wasiiro iyo xubno kale oo ka socda Somaliland ay ku wajahan yihiin furimaha dagaalka gobolka Sool oo laga cabsi qabo inuu markale ka qarxo dagaal.

Dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay waftigaani ka socda Somaliland ee gaarey magaalada Laascaanood, waxaana ay sheegtay in Somaliland u jeedkeedu yahay isku dirka beelaha walaalaha ah ee kunool gobolka Sool.

Gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland oo warbaahinta hadal kooban siiyey wuxuu sheegay in Puntland aysan sii fiirsan doonin wafuuddaasi ayna tallaabo cad ka qaadi doonaan haddii aysan faraha kala bixin gobolka Sool.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

 

Post Comment