Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Oo Ogolaaday In Mukhtaar Roobow Uu Noqdo Musharax, Xagee Ku Dambeysay Fara-galintii Dawlada Federaalka.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ay is faham wanaagsan gaareen guddiga Doorashooyinka Madaxweyne-nimada maamulkaas iyo Musharax Mukhtaar Roobow Cali oo ay maanta ka gudoomeen waraaqaha codsiga ayna siiyeen Shahaadada Musharaxnimada.

Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa daaha ka rogay in Mukhtaar Roobow uu yahay muwaadin xaq u leh ka qeybgalka arrimaha siyaasadda ee gobaladaas, gaar ahaana arrinta Doorashada Madaxweyne-nimada ee hadda taagan.

Mukhtaar Roobow ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay guddiga Doorashada waxayna ka wada hadleen geedi socodka doorashooyinka iyo hanaanka ay tahay in wadajir ay dhinacyada oo dhan u maraan, waxaana la rumeysan yahay in ay talaabadan tahay mid kale oo siyaaasadeed.

Dawladda Faderaalka ayaa horey u diiday in Mukhtaar Roobow noqdo musharaxa u taagan qabashada xilka Madaxweyne-nimada Koonfur Galbeed, ka dib markii uu diiday in uu noqo xubin ay danteeda gobalkaas ka fushato, waxaana la rumeysan yahay in ogolaanshahan cusub uu qeyb ka yahay Madaxweynaha hadda xilka haya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Post Comment