Q.M oo Puntland iyo Somaliland Kala Hadashay Joojinta Dagaalka Tukaraq & Natiijada Laga Gaarey.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa ilaa bilowgii sanadkaani ka taagnaa xiisad dagaal oo u dhexaysa maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana muddo dhowr jeer ah ka dhacay dagaalo kharaar oo sababay khasaare xoogan.

Tan iyo bilowgii dagaalkaasi waxaa socdey dedaalo nabadeed oo lagu joojinayo dagaal kale oo ka qarxa deegaanka, waxaase ay noqdeen kuwa ka guuldaraystay dhammaan dedaaladaasi marka loo eego sheegashada labada dhinac.

Somaliland ayaa ku dacwoonaysa in dhulka gobolka Sool uu siiyey gumaystihii Ingiriiska aysanna jirin cid kale oo ka arriminaysa aysanna ciidankooda kala bixi doonin deegaankaasi halka Puntland ay sheegtay inay ku joogsan doonin meel ka sokaysa Lebida Gaatama.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas oo dhowaan xilka la wareegey ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland kala hadlay xal u helidda xiisadda colaadeed ee ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Dhinaca kalena wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maalinimadii shalay kawada xaajoodey Tukaraq iyo sidii xal looga gaari lahaa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO DANJIRAHA

One thought on “Q.M oo Puntland iyo Somaliland Kala Hadashay Joojinta Dagaalka Tukaraq & Natiijada Laga Gaarey.

  1. asc sxbyal reer puntland melkasta ad jogdi ba wa salamantihin sxbyal waxa layabanahy nin dhulkeyga igu qabsanayo o dhahayo english aya ixariqey wa yab suul muuse xar gorma ku xariqey english ishg muuse xar qof runta kushago ba wu bahantahay dhulkan waxa iskalah wa puntland magrtay muuse xar dhulkada waxa waye Labada gadamo magrty muuse xar niyada hakashin qamristiyasha wadi aya waxey kudhahan waxa dhahdah english aya ixariqey wa ka xumahy muuse xar waxa kushgah wa la ogyhay in dagaalki kadhacey beelah walalah ee dhumeey adiga iyo maqristah ina kaahin aya kadabeysy wana ognahy magrty sxb gobolka sool waxa iska alah wa puntland muuse xar abah ki gabah tuli jirdey was iyo waki qamriga lacabi jirdey was

    Reply

Post Comment