Sawirro-Saraakiishii Dhowaan Ku Amar Diidey Madaxtooyada oo Duleedka Caasimadda Lagu Qabtay Lana Xukumay.

Puntlandnews.net (Nairobi)-Waxaa gelinkii dambe ee maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ay xukun ku ridey 13 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulkaas balse ka hortimid Amaro ka soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Ciidamadaan 13 ah ayaa waxaa ku jira saraakiishii hoggaamineysay,waxaana dhawaan lagu soo qabtay howlgal dagaal isku bedelay oo dhawaan ka dhacay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Eedaysane ayaa Maanta lahor-keenay Maxkamadda,waxaana mid ka mid ah oo lagu eedeeyay dilka Nabadoon Xasan Goolo lagu xukumay dil toogasho ah,halka Saddex ka mid ah saraakiishii hogaamineysay lagu xukumay min Saddex Sano oo Xabsi ah.

Sidoo kale 7 ka mid ah Ciidamadaas ayaa waxaa lagu xukumay min 2 Sanno oo Xabsi ah,sidoo kale waxaa Xabsiga laga siidaayay laba ka mid ah Ciidamadaas oo lagu sheegay in wax dambi ah lagu waayay,sida uu sheegay garsooraha koobaad maxkamadda G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed.

SAWIRRO

Post Comment