Shirkii Heshiisiinta Beelaha Bah-ararsame iyo Qayaad oo Gogoshiisii Dhummay Laga Laalaabay iyo Sababta.

Puntlandnews.net (Dhummay)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa sheegaya in shirkii heshiisiinta beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaankaasi loo raray magaalada Jigjiga ee DDSi.

Caaqil Cumar Maxamed Xasan (Dacar) oo kamid ah waxgaradka gobolka Sool oo waraysi siiyey Radio Garoowe ayaa ka hadlay colaadii dhawaan ka dhacday deegaanka Dhumay ee gobolka Sool taas oo u dhaxaysay beelo walaalo ah oo wada dega deegaankaas.

Sidoo kale, caaqilka ayaa waxa uu ka warbixiyey shir weyne lagu heshiisiinayo labadaasi beelood, waxaana uu Caaqilku sheegay in ay haatan marayaan meel wanaagsan dadaalada nabadeed ee lagu dhex galayo.

Waxa uu si rasmi ah u sheegay in gogoshii labada beelood ee tiiley deegaankaasi loo qaaday magaalada JigJiga isla markaasna uu masuuliyadeeda uu la wareegay madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar, waxaana dhawaan ka bixi doona gobolka Sool xubno matali doona beelihii dirirtu dhex martay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Post Comment