VIDEO-Boqor BuuroBuur Madaw oo Afka Furtay iyo Xiisad Ka Aloosan Gobolka Sanaag.

Puntlandnews.net (Ceerigaabo)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisadi ay ka taagan tahay deegaamo hoosyimaada degmadaasi oo kuyaal gobolka Sanaag.

Xiisaddaan ayaa waxa ay ka dhalatay dil labo habeen kahor ka dhacay deegaanka Dararweyne waxaana halkaasi lagu horjoogaa malayshiyo beeleed ka soo jeeda beesha shaqsiga laga diley, waxaana laga cabsi qabaa dagaal halkaasi ka dhaca markale.

Boqor Maxamuud Cismaan (Buur-madaw) oo kamid ah oday dhaqameedka deegaamada Soomaaliland sida aadka ahna looga yaqaan Bariga Africa ayaa ka hadlay arrintaasi iyo qorshayaasha uga degan, wuxuuna sidoo kale ka hadlay xukuumadda Muuse Biixi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment