VIDEO-Jabhadda Caarre oo Ku Dhawaaqday Xilliga ay Weerarayso Somaliland iyo Inay Gaas Gacanta u Gelinayso.

Puntlandnews.net (Qardho)-Jabhadda xoraynta Somaliland ee uu madaxda ka yahay corneal Caarre ayaa gudaha Puntland kaga dhawaaqday war culus oo ku aadan xaaladda Somaliland iyo dagaalada ka socda gobolka Sool iyo Sanaag.

Afhayeenka jabhadda Caarre oo warfidiyeenka la hadlay ayaa ka warbixiyey diyaar garawga ay jabhaddu ugu jirto dagaalada ka dhanka ah maamulka Somaliland, qorshayaasha u degan iyo taageerada ay ka helaan dibadda iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in jabhaddu ay qaadayso dagaal culus oo ka dhan ah Somaliland iyadoo taageero ka helaysa Puntland ayna durba ciidankeeda ku daabushay deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag oo Somaliland ku sugan tahay si ay madaxweyne Gaas gacanta ugu geliyaan iyo Corneal Caarre.

Dhianca kalena, afhayeenka jabhadda Caarre wuxuu ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee Somaliland ku qabsaday duleedka Ceerigaabo iyo jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq oo uu sheegay in jabhaddu qaar ay geysatay kuwa kalena kaalin ku lahayd.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment