VIDEO-Maamulka Muqdisho oo Weerar Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxda DG oo Loogu Hanjabay Muqdisho.

Puntlandnews.net (Muqdisho)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa weerarkii ugu cuslaa oo afka ah ku qaaday siyaasiyiinta dhaliisha xukuumadda Soomaaliya iyo cid kasta oo ka soo horjeeda xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar  Cusmaan (Eng Yariisow) ahna duqa magaalada Muqdishooo warbaahinta kula hadlay Muqdisho  ayaa kula taliyay mucaaradka ka soo horjeeda dowlada inaysan noqon mucaarad buunbuuniya dhibaatooyinka dalka ka jira balse looga baahan yahay taladooda ku darsadaan dowladda si loo saxo meelaha wax ka qaldanyihiin.

Yariisaw oo la soo shaqeeyey xukuumado kala duwan ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inaysan dhagaysan hadalada mucaaradka iskana kaashadaan sidii ay amniga kala shaqeen lahaayeen Ciidamada amaanka.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment