VIDEO-Maamulka Somaliland oo Afka Furtay Codsina U Gudbistey Madaxweyne Gaas Si uusan Dagaal.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Maamulka Somaliland ee uu hogaanka u hayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qaylo afka ku dhuftay kana qoomameeyey in iskudirkii beelaha gobolka Sool ay ku kicisay shacabka ayna la saftaan Puntland.

Masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland oo warfidiyeenka la hadlay ayaa waxa ay ka codsadeeen madaxda ugu saraysa dowladda Puntland inaysan shacabka kicin isla markaana aysan dhanka beelaha uga faa’iidaysan dagaalka Tukaraq.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Waxa ay sheegeen masuuliyiintaan oo xildhibaano u badnaa in Puntland ay beelaha ku soo jeedisey Somaliland aanna loo baahnayn in beelaha lakiciyo ama loo diyaariyo inay dagaal galaan, xilli lagu jiro xiisadda Dhummay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment