VIDEO-Masuuliyiintii Ugu Badnaa ee Somaliland oo u Hanajabey Madaxweyne M Biixi Kuna Goodiyey inay Iscasilayaan.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Masuuliyiintii ugu badnayd oo katirsan maamulka Somaliland ayaa hanjabaad culus u diray madaxweynaha Maamulkaasi Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa oo ay sheegeen inay ku fashilantay wixii loo dhiibey.

13 kamid ah xildhibaanada barlamaanka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ay fashilantay xaaladdeeduna ay halis kujirto haddii aan la badbaadin, waxaana ay sheegeen in dhinacyada siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudaha lagu fashilmay sidoo kalena arrimihii bulshada eber taagan yihiin.

Waxa ay ku dhawaaqeen inaysan sidaan u sii dulqaadan doonin ayna xilka iska casilayaan haddii aysan isbedel la imaan xukuumadda xilligaan talada haysa si ugu daneeyaan shacabka kunool guud ahaan Somaliland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment