VIDEO-Mid Kamid ah Beelaha Puntland oo Farriin u Dirtay Beelweynta Majeerteen Difaacna Gashay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Mid kamid ah beelaha degan deegaamada Puntland gaar ahaan gobolada Bari iyo Mudug ayaa farriin culus u dirtay beelaha kale ee Puntland gaar ahaan Beelweynta Majeerteen iyo dhammaan isimada Puntland.

Beeshaan ayaa waxa ay ku dhawaaqday inay wixii hadda ka dambeeya heegan kujiro isla markaana ay isdifaaci doonto kadib beelo kale oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku shirsanaa Magaalooyinka Galkacyo iyo Garoowe.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Beeshu waxa ay difaac culus ka gashay haysashada kursi ay kuleedahay xildhibaanada barlamaanka Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey ay soo baxayeen beelo kale oo sheegay in kursiga lala wadaajiyey.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment