VIDEO-Puntland iyo Midowga Yurub oo War Ka Soo Saaray Dhismaha Wada Isku Xirta Garoowe & Galkacyo.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya inuu joogsaday mashruucii dhismaha iyo dayactirka wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Galkacyo.

Joogsashada wadada ayaa loo sababeeyey in shirkadda GIZ oo dhaqaalaha la soo marsiiyey ay ka biyo diidey daahfurnaan la’aanta hanaanka isla xisaabtanka ee hayadaha Puntland ee ku shuqul leh wadadaasi, waxaana madaxweynuhu mudo labao jeer ah kula kulmay Nairobi.

Intaasi kadib golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen guud ahaanba ku beeniyey in wadadu joogsatay waxaana laga soo qaaday sawirro muujinaya qaabka ay shaqadu u socoto xilligaan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay Garoowe kula kulmay madaxda ugu saraysa midowga Yurub waxaana aad looga wada hadlay arrimaha dhismha wadada oo ugu dambayn ay bayaan ka soo saareen.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Post Comment