VIDEO-Shalay Madaxweyne Gaas Maantana Ergeyga Qaramada Midoobey oo Muuse Biixi Kala Hadlay Tukaraq.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Maanta gaaray Magaalada Hargeysa Nicholas Haysom ayaa Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Muuse Biixi Cabdi.

Kadib kulanka labada masuul danjire Nicholas Haysom ayaa shaaciyay  in arrimaha laga wadahadlay oo ay ugu weynay Xaalada Amniga wadahadalka Dawlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland gaar ahaan wada xaajoodka labada dhinac.

Dhinaca kalena wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland kala hadlay xal u helidda xiisadda colaadeed ee ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Dhinaca kalena wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maalinimadii shalay kawada xaajoodey Tukaraq iyo sidii xal looga gaari lahaa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO DANJIRAHA

Post Comment