VIDEO-Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland oo Gaarey Jiidaha Tukaraq Kuna Dhawaaqay Dagaal Culus.

Taliyaha guud ee ciidamada Darwaashta Puntland C/shukri Cabdilaahi oo xilkii kala wareegay Taliyihii hore ee ciidamada Daraawshta Puntland Siciid Dheere ,ayaa sheegay in ay ciidamada u diyaar garoobaan dagaal lagu soo celinayo dhulka maqan laguna midaynayo shacabka Puntland isla markaana ay haysto somaliland.

Dhanka kalena, Sarreeye guuto Cabdishukri Cabdullaahgi ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay heli doonaan xuquuqda ka maqan,isla markaana aysan jiri doniin ciidamo la gadooda mushaar la’aan hadda wixii ka dambeeya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment