VIDEO-Xaaladda Furimaha Dagaalka Sool oo Degan iyo Ciidankii Itoobiya oo War Culus Kaga Dhawaaqay.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno koonfurta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xaaladdu ay degan tahay isla markaana ay deegaanka gaareen ciidamo aad u badan oo ka socda dalka Itoobiya.

Ciidamadaani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa deegaamada ay ku sugan yihiin ciidamadii dagaalamay waxaana u jeedkoodu yahay sidii ay deegaanka nabad ugu soo dabaali lahaayeen isla markaana uga horteli lahaayeen dagaal kale oo ka dhaca deegaankaasi.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Liyuu booliska Itoobiya oo gaarey deegaanka ayaa kaga dhawaaqay war farxad geliyey shacabka gobolka Sool gaar ahaan dadkii maxasta ahaa ee malayshiyaadku dagaalka ku barakiciyeen.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA 

Boqolaal ergooyin ah oo ka kala yimid Puntland, Somaliland iyo DDSI ayaa maalmihii ugu dambeeyey gaarey deegaanka Dhummay waxaana ka socda shirar lagu dhexdhexaadinayo beelaha walaalaha ah ee Qayaad iyo Bah-ararsame.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA 

Post Comment