War Cusub oo Hadda Naga Soo Gaarey Tuulada Tukaraq iyo Ciidamada Somaliland oo Gudaha u Galay.

Puntlandnews.net (TUKARAQ)-Wararkii ugu dambeeyey ee saaka warbaahinta Puntlandnews ay ka helayso Tuulada Tukaraq ee gobolka Sool iyo deegaamada ku gadaaman aya shegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaankaasi.

Ciidamada milatariga maamulada Puntland iyo Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa hareeraha tuulada Tukaraq, waxaana gudaha tuulada galoobaxaya cutubyo katirsan ciidamada maamulka Somaliland.

Mid kamid ah saraakiisha hormuudka u ah ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Tukaraq ayaa noo sheegay inay heegan culus kujiraan isla markaana ciidanku ay diyaar u yihiin sidii ay u xorayn lahaayeen dhulka maqan ee Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Sarreeye Guuto Cabdishukri Cabdullaahi oo xilka la wareegey ayaa gaarey jiidaha hore ee dagaalka gobolka Sool, wuxuuna ku dhawaaqay dagaal lagu xoraynayo deegaamada ka maqan gacanta Puntland.

Post Comment