War Deg Deg ah oo Hadda Garoowe Naga Soo Gaarey iyo Ciidanka Puntland oo Gudaha

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya inay caawa ka socdaan hawlgallo xoogan.

Howlgalladaani oo ay iska kaashanayaan ciidamada ammaanka iyo kuwa xasilinta caasimadda ayaa lagu xaqiijinayaa ammaanka caasimadda oo doorasho looga diyaar garoobayo.

Weriyeheena Ku sugan magaalada Garoowe ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay baaritaanka kawadaan xaafadaha qaar ay Ku badan yihiin dhalinyarada mobilada furata, waxaana siidheer baaritaano ka socda waddooyinka waaweyn.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa bisha 1aad ee sanadka soo socda lagu qaban doonaa doorashada madaxtinimada Puntland oo ay Ku loolamayaan musharixiintii ugu badnaa abid aadna uga duwan afar doorasho oo horay loo soo galay.

Post Comment