Xaalad Culus oo Saaka Ka Aloosan Deegaanka Tukaraq iyo Somaliland oo Hubka Culus Kala Soo Baxday Godadka.

Puntlandnews.net (TUKARAQ)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad culus ay ka aloosan tahay deegaankaasi oo ay muddo isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Ciidanka Somaliland ee ku sugan hareeraha tuulad ayaa lagu soo waramayaa inay saaka la soo bexeen hubka iyo gaadiidka culus ayna dhoolatusyo daandaansi ah ka samaynayaan goobaha ay ku sugan yihiin sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.

Arrintaani ayaa timid kadib markii walaac uu ciidanka Somaliland ka soo food saaray weerar kaga yimaada Puntland xilli habeen kahor ciidamo katirsan kuwa jabhadda xoraynta Sool ay burburiyeen saldhigyo Somaliland leedahay.

Xiisadahaan soo cusboonaaday ee deegaanka Tukaraq ayaa ku soo beegmayaa xilli ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaliya Nicholos Haysom uu la kulmay madaxda Puntland iyo Somaliland uuna kala hadlay xaaladda Tukaraq.

Post Comment