XOG CUSUB-Maxay Puntland iyo Somaliland Ka Yiraahdeen Dagaal Xalay Ka Dhacay Tukaraq Yaase Gacan Sarreeyey.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Somaliland oo bilihii ugu dambeeyey iskuhorfadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalkaan oo sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen dhacay fiidnimadii xalay ayaa waxaa la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka inkastoo aysan labada dhinac weli si rasmi ah u shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Mid kamid ah saraakiisha Puntland oo aan xiriir la samaynay ayaa noo sheegay in dagaalkaani uu yimid kadib markii ciidanka Somaliland ay isku dayeen inay weerar gaadmo ah ku soo qaadaan fariisin ciidamada Puntland ay ku lahaayeen duleedka Tuulada Tukaraq ayna ku guulaysteen inay iska difaacaan khasaarena gaarsiiyaan malayshiyaadkii weerarka ku soo qaaday.

Dhanka kalena, sarkaal katirsan ciidamada Somaliland ku sugan Tukaraq oo la hadlayey Bar ay isticmaasho beeshiisu ayaa xaqiijiyey in dagaalka ay khasaare kala kulmeen, wuxuuse sheegay in dhankooda weerarka lagu soo qaaday inkastoo uusan si cad u carro baabin khasaaraha dhabta ah ee dhankooda soo gaarey.

Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa maanta degan, waxaana dagaalkaan kooban uu ku soo beegmayaa xilli ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaliya Nicholos Haysom uu la kulmay madaxda Puntland iyo Somaliland uuna kala hadlay xaaladda Tukaraq.

Post Comment