XOG CUSUB+VIDEO-Xagee Ku Dambeeyey Baaritaanka Qarixii Ka Dhacay Buuhoodle Yaase Ka Dambeeyey.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Curashadii bishii 8aad ee sanadkaan waxaa magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ka dhacay qarax xoogan oo lagu soo xiray gaari nooca NOAH-ada ah oo ku baakinaa afaafta hore ee mid kamid ah masaajidada magaalada.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku naf waayey dhowr ruux oo ay kujireen siyaasiyiin caan ka ahaa gobolka Cayn iyo guud ahaan gobolada Sool iyo Cayn isla markaana xilal ka soo qabtay maamulkii Khaatumo iyo maamulo kale.

Haddaba Boqor Cabdullaahi oo katirsan isimada gobolka Cayn oo shir saxaafadeed qabtay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey halka uu ku dambeeyey baaritaankii lagu hayey qaraxaasi iyo ciddii ka dambaysay oo ay wadeen laamaha sirdoonka iyo bilayska Puntland oo kaashanaya gudi ka socda dadka deegaanka.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Boqor Cabdullaahi Axmed oo katirsan isimada ugu caansan gobolada SSC gaar ahaan gobolka Cayn oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda goboladaasi isagoona digniin culus diray.

Boqorka ayaa ka hadlay qarixii khasaaraha nafeed sababay ee ka dhacay magaalada Buuhoodle, saamaynta ka dhalatay iyo natiijada baaritaankiisii ka soo baxay, wuxuuna sidoo kale ka hadlay dagaalka Dhummay iyo arrimaha Somaliland waddo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment