XOG-Xaaf, Gaas iyo Axmed Madoobe oo Telefanka Kuwada Hadlay Go’aamana Ku Dhawaaqaya.

Puntlandnews.net (Muqdisho)-Madaxweynayaasha maamulada dalka ee ku haray madasha kadib iscasilaaddii iyo tanaasulkii Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lafilayaa inay ka arrinsadaan mustaqbalka madasha dowlad goboleedyada.

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo kusoo haray golahaan ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay taleefoonka ku wada hadleen, iyaga oo ka arrinsanaya xaaladda kusoo korortay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Madaxda ku hartay madasha ayaa lafilayaa inay soo saaraan war qoraal ah oo ay kaga hadlayaan iscasilaadii Shariif Xasan Sheikh Aadan oo timid kadib heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya, iscasilaadii Afhayeenka golaha iyo weyntii ay waayeen Maxamed Cabdi Waare.

Horay waxaa uga baxay guud ahaan madasha madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la sheegay inuu dhaqaale badan ka qaatay madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

3 thoughts on “XOG-Xaaf, Gaas iyo Axmed Madoobe oo Telefanka Kuwada Hadlay Go’aamana Ku Dhawaaqaya.

  1. GAAS muu faraha kala baxo arimaha federalka oo PUNTLAND iyo xaalkeeda fiiriyo.
    Isagaa dhumiyay kalsoonidii reer PUNTLAND waxay ahayd inuu is casilo oo geesinimo muujiyo.

    Reply
  2. Arrimaha Puntland qaxey ku xiran yihiin Dowladadhexe, dowladii dhexena waa federaal diid, Dowlad xamar wax ka soo yeerisana waan soo aragney, Hade reer Puntland ha tashtaan. haku mashquulina ninkaasi ha iscasilo, arrintu intaas ka weyn.

    Reply

Post Comment