DAAWO-Khilaafka Gaas iyo Camey oo Meel Sare Gaarey iyo Wasiiro Weerar Culus Ku Qaaday

Puntlandnews.net (Garoowe)-Xiisadda ka dhalatay magacaabista gudiga xallinta khilaafka barlamaanka Puntland una dhexaysa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa xilligaan cirka isku sii shareeraysa xilli doorasho loo diyaar garoobayo.

Cabdi Xirsi Qarjab wasiirka warfaafinta Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa saxafiyiinta faray in aysan khal khal gelin xaalada Puntland, waxaana usoo bandhigay sida ugu haboon ee la doonayo inay wararka u tabiyaan.

Mar uu ka hadlayey xiisadaha taagan ayaa waxa uu sheegay inuu xaq u leeyahay madaxwaynuhu inuu soo saaro gudiga xalinta iyo khilaafaadka oo uu sheegay inaan dadka lagu wareerin gudiga uu magacaabay Cabdixakiim Camay madaxwyane ku xigeenka Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

5 thoughts on “DAAWO-Khilaafka Gaas iyo Camey oo Meel Sare Gaarey iyo Wasiiro Weerar Culus Ku Qaaday

  1. SIR CULUS:

    Ciidanka Camay iyo ciidamada musharixiinta badan ayaa qorshaynahaya inqilaab militeri ay madaxweyne Gaas xukunka Puntland si oog ah kala wareegaan, berrito ama maalmaha soo socdo ayaa la filahaya.

    Reply
  2. KU:Cabdisamad.
    Waxaad tahay midaan waxba kala aqoon oo isagoo soconay hurda.Badaw yahoow Ina Camey ciidamada uu ku qabsanayo puntlaan muu dhulbahante ku difaaco?Muu buuhoodle ku xoreeyo o uu ka soo jeedo?Saad u hadashay haddii an jawaabteeda ku siiyo Ina Camay Laaji buu ku yahay garoowe.Laajinimadii uu ahaa baana loogu soo dhaweeyey.Haddiise uu ka abaal daray wanaagii loo qabtay jawaabta uu xaqa u leeyahay waa orad aad xamarta ad laaluushka ka soo qaadatay.Khashiin yahoow liitaa dadka kala baro.Mucaaradka ad sheegtay waa wada reer puntlaan sax ah.Mana yeelayaan puntlaan ha lagusuubiyo wax dhib iyo shido ah. Gaas Ilaahay (swt) baa wax u dhimi kara.Haddiise uu dalka iyo dadka dambiyo ka galo waa lagu qaadayaa,laakiin Ina Camay iyo wax la midu shido kuma hayaan oo she is his piece of cake.

    Reply
  3. Warxagee hadalku idinla aadey, meeshan riwaayad ayaa dadka loo dhigayaa camey iyo gaas waa isla socdaan, fashilka ay ku fashilmeen difaaca puntland ayaa la iska qarinayaa.

    Reply

Post Comment