DEG DEG-Cabsi Soo Wajahdey Wasiiradii Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo Seef Afaysan Goor Dhoweyd

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa u diyaarsan isku shaandhayntii la wada sugayey ee ka baaqsatay maalmihii uu safarka ugu baxayay gobolada bariga.

Xubnaha kujira xukuumadda Madaxxweyne Muuse Biixi ayaa cabsidii ugu balaadhnayd qaba waxaana ay wadnaha farta ku hayaan tan iyo maalintii uu madaxweyne biixi u baxay bariga. Madaxweyne biixi ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumad tayo leh.

Shacabka Somaliland ayaa dalbanaya in madaxweeynuhu uu xilalka ka qaado masuuliyiinta hadda xilalka haysa, shacabka ayaa naawilaya in madaxweyne biixi uu ka fiirsan doono dadka uu keeni doono xukuumaddiisa maadaama la isla qiray inaanay masuuliyiintani ahayn kuwii loo baahnaa ee dadka iyo dalkaba

Post Comment