DEG DEG-Ciidamo La Wareegey Qaar Kamid ah Waddooyinkii Caasimadda Xilli Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu iskudheceen.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya warqabadka warbaahinta Puntlandnews ayaa sheegaya in ciidanka ammaanku xabsiga dhigeen in ka badan 30 ruux gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Dadkan la xidh xidhay ayaa la sheegay in looga shakiyay qaraxyo la sheegay in lasoo galiyey magaalada dhaxdeeda, waxaana jirta cabsi xoogan oo ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa aad u adkeeyey amaanka magaalada Dhuusamareeb, kadib qaraxyo laga shaki qabo in gudaha loo geliyay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa kulamo la qaatay saraakiisha laamaha amaanka, waxaana amar buuxa la siiyey ciidamada DANAB iyo kuwa sirdoonka oo jifnaan dheeraad ah haatan ku jira.

Post Comment