DEG DEG-Geelle iyo Albashiir oo Gaarey Itoobiya iyo Soo Dhoweyn Sare oo Loo Sameeyey.

Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Jabuuti Cumar Xasan Al-bashiir iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Jimma ee gobolka Oromada.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xubno golihiisa wasiirrada ah iyo madaxweynaha gobolka Oromada ayaa madaarka ku soo dhaweeyay labada madaxweyne.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay bookhashada Geelle iyo Al-bashiir hase ahaatee wakaaladda Fana ee dalka Itoobiya ayaa ku warramaysa in labada madaxweyne bookhan doonan mashaariic horumarineed oo ka socda magaalada.

Geeska Afrika oo isbedello waaweyni ka dhaceen sanadkan ayaa loo arkayay in aanay door muuqda ku lahayn madaxweyne Geelle iyo Al-bashiir

Post Comment