DEG DEG-Weerar Laysu Adeegsadey Hubka Culus oo Ka Dhacay Jiidaha Dagaalka iyo Tirada Khasaaraha.

Puntlandnews.net (Nairobi)-War qoraal ah oo ka soo baxay Alshabaab ayaa waxa ay ku Sheegeen inay iska difaaceen weerar la qorsheeyey oo Xalay lagu qaaday Deegaanka Awdhiigle Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Idaacada Afka Al shabaab ku hadasha Andalus ayaa faah faahin ka bixisey sida ay wax udhaceen, iyadoo la tilmaamay in diyaarado ay markii hore duqeymo dhaceen kadibna la sheegay in ciidan ay dhulka usoo dageenka.

Sargaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamadooda ay fashiliyeen weerar soo qaadeen,ciidamada Mareykanka oo ay la socdeen kuwa Dawlada Soomaaliya Ee bancraft-a loo yaqaan.

Ma aysan Al shabaab sheegin weerarkaas khasaaraha dhankooda soo gaaray iyagoo kusoo koobay inay fashiliyeen ciidanka huwanta weerarka soo qaadeen.

Post Comment