DEG DEG+DHEGAYSI-Weerar Lagu Qaaday Ciidanka Somaliland iyo Dhaawacyo La Geeyey Cisbitalka Laascaanood.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa maamulka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool isla markaana uu ka dhashay khasaare nafeed.

Dhaawacyo katirsan ciidamada Somaliland ayaa la dhigay cisbitalka guud ee magaalada Laascaanood, waxaana taliska ciidamada Somaliland ay sheegeen inaysan xilligaan bixin Karin faahfaahin dheeraad ah.

Kahor booqashadii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee gobolka Sool waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay weerar lagu qaaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada maamulka Somaliland wallow aan la shaacin khasaaraha ka dhashay.

HALKAAN KRIIX SI AAD U MAQASHO WEERAR

 

One thought on “DEG DEG+DHEGAYSI-Weerar Lagu Qaaday Ciidanka Somaliland iyo Dhaawacyo La Geeyey Cisbitalka Laascaanood.

  1. Waxa loo baahan yahey ragaan in hurda loo diido, habeenkii Sadex afar jiho wax looga soo tuuro, Dagaalka argagixisada ku dirirto ayaa loo baahan yahey, hadii hurdo loo diido ma fadhinayaan. taasi waa
    Plane Milateri. waana la hubaa, laakiin meee dadkii sameyn lahaa, waa kuwa horgalada noqdey.

    Reply

Post Comment