DHEGAYSO-Xubno Kamid ah Gudigii Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Magacaabay oo Hadda Iscasiley Kuna Dhawaaqay.

Kadib markii uu cirka isku sii shareerayey muddooyinkii ugu dambeeyey khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo maalin ka hor kala magacaabay gudido isku shaqo ah ayaa waxaa goor dhoweyd warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garoowe qaar kamid ah xubnihii uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Axmed Aadan Carab oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland isla markaasna kamid ahaa gudigii xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hada ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayey gudigaasi, waxaana uu sheegay in uu Mr. Camay wax la tashi ah kala samayn magacaabistiisa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Post Comment