VIDEO-Wasiiro Katirsan Somaliland oo Gaarey Gobolka Sool Qaadayna Tallaabooyin Puntland aysan Ku Farxin.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Xilli ay weli taagan tahay xiisadda colaadeed ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland isla markaana ay ciidanka labada dhinac isku horfadhiyaan Tukaraq ayaa waxaa gobolka Sool gaarey wasiiro Somaliland katirsan.

Wasiiro katirsan xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa gaarey deegaamo katirsan gobolka Sool, waxaana ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada deegaamadii ay booqdeen oo ay kamid tahay Laascaanood.

Wasiiradaan oo watey ciidamo badan ayaa u jeedkoodu yahay mashquulinta shacabka kunool gobolka Sool si meesha looga saaro guuxa shacabkaasi ay ka qabaan dagaalkii Puntland ku dhawaaqday sanadkaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Post Comment