WAR DEG DEG AH-Cabsi Ka Taagan Gobolka Bari iyo in Ka Badan 50 Ruux oo Cisbitalka La Keenay.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dad  ku sumoobay degaanka Ceel-daahir oo hoos taga degmada Carmo ee gobolka Bari sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari.

Faadumo Cabdullaahi Cade oo ah maamulaha Isbitaalka degmada Carmo ayaa warbaahinta u sheegtay in dadkaan ay sumoobeen kadib markii ay Cabeen Caano ku jiray Caagado, islamarkaana ay isugu jiraan Haween iyo Carruur.

Waxa ay tilmaamtay in dadka qaar ay xaaladooda liidato, inkastoo dhammaan dadka waxyeellada soo gaartay la baxnaaninayo, lana geeyey xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaankaasi iyo degmada Carmo

“Ilaa 45 qof ayaa xanuunsaday kadib marka ay cabeen Caano deegaanka ,waxaana kasoo gurmaday degmada Carmo” ayay tiri Agaasimaha Isbitaalka Carmo.

One thought on “WAR DEG DEG AH-Cabsi Ka Taagan Gobolka Bari iyo in Ka Badan 50 Ruux oo Cisbitalka La Keenay.

Post Comment