WAR DEG DEG AH-Somaliland oo Maxaabiis Badan Gacanta Ku Dhigtay Yaase Kamid ah.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Boqor cusmaan aw maxamuud boqor buurmadow ayaa dedaal dheer oo uu ku bixiyey sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglihii marxuumka ku dilay deegaanka dararweyne ee Ceelafwayn waxaa uu maalintii shalay duleedka magaalada gar-adag ka qabtay 2 nin oo geel raacato ah, labadaas nin ayaa loo badinayaa inaanay ahayn nimankii dilka ka geystay dararweyne.

Goob jooge ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in nimankii dilka geystay loo badinayo inay ku sugan yihiin deegaanka garabcad oo aan sidaa uga sii fogeyn goobtii dilka, balse dadka deegaanku waxay aaminsan yihiin in nimanka garadag dusheega laga soo qabtay aanay ahayn nimankii la rebay.

Si kastaba ha ahaatee boqor cusmaan aw maxamuud boqor buurmadow oo aan hurdo iyo nasasho midna gelin ilaa iyo intii uu hargeysa ka baxay waxaa uu ugu dambeyn gacanta ku soo dhigay raggaasi.

Wasiiradii uu diray madaxweyne Biixi ayaa waxa ay jiifeen qasriga ceelafwayn ee anay ka bixin islamarkaana ay sheeganayaan guul aanay lahayn iyagu oo uu leeyahay boqor buur madow.

Post Comment