WAR DEG DEG AH-Warbaahinta Garoowe oo Loo Yeeray iyo Madaxweyne Gaas oo Hadda..

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee xilligaan warbaahinta Puntlandnews ay ka helayso magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in goor dhoweyd loo yeeray warbaahinta Garoowe.

Warfidiyeenka ayaa looga yeeray xarunta barlamaanka Puntland ee Garoowe oo ay ku sugan yihiin xildhibaano katirsan barlamaanka mudadooda xilhayneed dhammaatay iyo masuuliyiin kale.

Inkastoo aan la shaacin sababta haddana wararka qaar ayaa sheegaya in gudiyada barlamaanku la shirayaan gudigii xallinta khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Post Comment