AKRHISO-Qaramada Midoobey oo War Ka Soo Saartay Doorashadii Puntland Kuna Dhawaaqday inay Ahayd..

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ee shalay ka dhacday magaalada Garawe.

Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ahna ku xigeenka ergeyga gaarka ah Raisedon Zenenga ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee loo doortay Puntland.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale  amaantay qaabkii ay guddiga doorashada Puntland u maamuleen doorashada, waxa ayna Qaramada Midoobay u hambalyeesay guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu amaanay qaabkii ay amaanka uga shaqeeyeen una maamuleen doorashada maamulka Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.