Ciidanka Puntland oo Fariisimo Muhiim ah Gudaha u Galay

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ka sameeyeen gobolka Bari.

Ciidamada oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka aya lagu soo waramayaa inay howlgallo xoogan ka sameeyeen buuralaydka gobolka Bari.

Howlgaladaan oo badanaa ah kuwa joogto ah ayaa waxaa ciidamada ammaanku ay ku baadi goobayeen kooxo katirsan Daacish iyo Alshabaab.

Madaxeynaha cusub ee dowladda Puntland ayaa kulan uu la qaatay saraakiisha kala Duwan ee ciidamada ku amray inay gutaan waajibaadkooda isla markaana ay laba jibbaaraan  howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo.

One thought on “Ciidanka Puntland oo Fariisimo Muhiim ah Gudaha u Galay

Post Comment