DAAWO-Madaxweyne Denni iyo Axmed Karaash oo Gaarey Wasaaradda Maaliyadda Maxay Kala Hadleen Wasiir Dhaqaaje.

Garoowe (Garoowe)-Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa la kumay madaxda wasaaradda maaliyadda Puntland.

Siciid Cabdullaahi Denni iyo ku xigeenkiisa iyo wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira hanaanka maaliyadda iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi (Denni) waxaa dikreetadii ugu horeysay ee u soo saaray waxa uu ku hakiyey in wax lacag ah ka bixdo khasnadaha wasaaradda maaliyada ilaa amar dambe.

DAAWO

Post Comment