DEG DEG-Jawiga Madaxtooyada Puntland oo Isbedeley iyo War Ka Soo Kordhay Xil Wareejintii Gaas iyo Denni.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Warfidiyeenka ayaa goor dhoweyd buux dhaafiyey aqalka madaxtooyada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe oo xil wareejin ay ka qabsoomayso.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xilalka kala wareegaya madaxdii ka horaysay ee Puntland Dr Gaas iyo Eng Camey.

Aqalka madaxtooyada waxaa horay ugu sugnaa madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisii Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo xilalka wareejin doona waxaana gaarey madaxda cusub.

Post Comment