DEG DEG-Madaxweynaha Cusub ee Puntland Shir Gudoomiyey Kulankii Golaha Wasiirada Madaxweyne Gaas Maxaa Ka Soo Baxay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta shir gudoomiyey shirkii golaha wasiirada Puntland ee maalinimada Khamiista ah.

Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa iyo dhammaan golaha xukuumadda waqtigoodu dhammaaday ee madaxweyne Gaas.

Madaxda cusub ee Puntland iyo golaha wasiirada ayaa ka wada hadlay xaaladda guud maadaama madaxdu ay cusubtahay si ay xog waran uga siiyaan shaqooyinka culus ee ka socda guud ahaan deegaamada Puntland.

Golaha wasiirada Puntland ayaa sii wadan doona waajibaadkooda shaqo inta ay xilalka la wareegayaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.