DEG DEG-Madaxweynaha Cusub oo Gaarey Magaalo Ka Agdhaw Furimaha iyo Ciidanka oo Heegan ah.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya socdaal oo aan horay loo shaacin oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku gaaray magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay , iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo xaqiijinaya Amaanka wadooyinka soo gala Magaaladaasi.

Waxaa uuna kulamo uu la qaadan doonaa Madaxda maamulka Degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Post Comment