Faysal Cali Waraabe,”Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saaxiibo Ayaan Nahay Horumar Ayuuna Horseedayaa Ana Garoowe Ayaan”

Puntlandnews.net (Garoowe)-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah UCID Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay doorashadii madaxtinimada Puntland ee dhowaan ka dhacday magaalada Garoowe.

Gudoomiya UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweynaha la doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ay yihiin saaxiibo isku dheer uuna ugu hambalyeynayo xilka uu ku guulaystay.

Waxa uu sheegay inuu yahay shaqsi wanaagga jecel isla markaana uu ka rajaynayo inuu ka shaqeeyo ammaanka iyo deris wanaagga guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland iyo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in Madaxweyne Denni uu Puntland u horseedi karo horumar iyo nabad isla amrkaana uu ka gudbin karo marxaladaha ku xeeran xilli ay siweyn isu hayaan maamulka Somaliland ee uu kunool yahay.

Post Comment