Golihii Wasiirada oo La Magacaabayo iyo Magacyada Xubno Kamid Noqon Doona.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa 30 casho gudohood kusoo magacaabi doona xubanaha golaha cusub ee wasiirada dowladda Puntland.

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa xafiisyada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxaa soo gaarey araaji badan oo ay soo gudbisteen xubno wasiiro doon ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa lagu soo waramayaa inuu qaabilay shaqsiyaad badan oo doonaya kamid noqoshada golaha wasiirada Puntland.

Xubnaha wasiirada noqon doona ee inta badan diiradu saaran tahay ayaa waxaa kamid ah Eng. C/qaadir Cabdi Warsame (Digaale) oo kamid ahaa musharaxiintii ka tanaasushay xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/laahi Cali Xirsi (Tima Cadde) oo isna kamidaa musharaxiintii ay wada tartamayeen madaxweyne Karaash isla markaasna xilal kasoo qabtay xukuumaddihii kala dambeeyey ee Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Nugaal, Mudug iyo Bari oo qaarkood xilal kasoo qabtay xukuumaddii hore ee madaxweyne Gaas.

Dr Faarax Cali Shire. Siciid Maxamed Raagge iyo dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa lafilayaa inay sidoo kale ka soo dhex muuqdaan golaha wasiirada ee dowladda Puntland.

5 Comments

  1. Dad cusub ayaa loo baahan yahay, hadii deni masuuliyiintii hore soo cesho wax u soconaya ma leh xukuumadiisa. Waxaa loo baahan yahay wejiyo wada cusub oo carcartooda qaba.

  2. Beelaha argagaxisada buuraha la shaqeeya sida Cali Salebaan, Dishiishe, Warsangeli, ha laga ilaalsho xukuumada ila ay ka harayaan la shaqeynta AL QAACIDO iyo Daacish

  3. beelaha tigreega iyo talyaaniga ushaqayn jiray waa dhashii gumaysiga puntland 20 sano waxay kusoo kordhin waayeen hada khayr laga filan maayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.