Madaxweyne Denni, Gaas, Camey, Axmed Karaash iyo Dhammaan Musharixiintii Tartamay oo Garoowe Ku Shiray Go’aamana Isla Qaatay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Munaasabad qado sharaf ah la qaatay inta badan musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Munaasabada qado sharafta ah ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Eng, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaji Cumar Camey iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Dowladda Puntland iyo marti Sharaf kale.

Dhinaca kale munaasabadda qado sharafta ah oo uu sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daarneed kala xog qaadasho iyo sidii musharixiinta iyo madaxweynuhu uga wada shaqayn lahaayeen taaba galinta iyo horumarinta hanaanka dowladnimo ee Dowlada Puntland ay ku tilaabsatay

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne, Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyo ku xigeenkiisii Eng, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa qaatay qada sharafta kadib kulan gaar ah oo ay kaga arrinsanayeen arrimo masiiriya oo khuseeya danaha Puntland iyo kan Soomaaliyeedba.

DAAWO

7 thoughts on “Madaxweyne Denni, Gaas, Camey, Axmed Karaash iyo Dhammaan Musharixiintii Tartamay oo Garoowe Ku Shiray Go’aamana Isla Qaatay.

  1. Maxamuud Salebaan-Land ama Qoys-Land?

    Cabdullahi Yusuf (cumar maxamuud)
    Cadde Muuse (cismaan maxamuud)
    Faroole. (Ciise maxamuud)
    Cabdiweli Gaas (cumar maxamuud)
    Deni (cismaan maxamuud)

    2024- Ciise Maxamuud

    Beelaha la adoonsado waa kuwa difaaca Puntland laga rabo xata ayago mushaar qaadan, Maxamuud salebaan waxa beelahan uu yaqaana xoolo camal waa kuwan adoonta la adoonsado canahuur badan baxsha:: Cali Salebaan, Dishiishe, Wabeeneeye, Leelkase, Biciidyahan, iyo inta kale aad ogtahiin.

    Reply
  2. Futada aad ureysa nabad nolol illah bixiya Natasha baa caloosha iyo cimilada lasocda masiir dad baa laga hadlayaa adigana Hogan illaah qoraybaa ciiliyi xannuun kuu ridey

    Reply
  3. cudurada qaarbaan dawa lahayn qoys nacaybku waakamid Maxamud saleebaan cidna maxoogaan cidna maboobaan gogol bay dhigeen dadkuna waa usinaayeen tartanka nasiibkuna waahalkiisa haddad leedihiin dadkau kabadanyihiin hade taas ilahay baa baxsha ma,aha wax tartan lugu gaaro

    Reply
  4. Waxa qeylinahaya Cali Salebaan cuqdad qabo waaye, hade Cali Salebaan tiro-ahaan ma ahaan 10% tirada Cismaan Maxamuud. Cali Salebaanow doonyahiina iyo ganacsigiin iska wata, siyaasad ma ahaan wax aad fahmaysiin. Siyaasada ragg xiniinyo leh ayaa geli kadha.

    Reply

Post Comment