NEWS UPDATE-Dhaawaca Askar Katirsan Ciidanka Puntland oo Furimaha Laga Keenay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar qarax ahaa oo lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa difaaca dowladda Puntland ee ku sugan deegaamo hoosyimaada tuulada Galgala ee gobolka Bari.

Xogta ayaa sheegaysa in qaraxaan fiidnimadii xalay ciidamada lagula eegtay halka loo yaqaano Bali Qadar oo ku taala Buuraleyda Galgala, waxaana ku dhintay hal askari waxaana ku dhaawacmay sida aynu wararka ku sheegayaan saddex askari oo gaadhiga ay saarnaayeen uu qabsaday qaraxaasi.

Xarumo caafimaad oo kuyaal magaalada Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa in hadda lagu dabiibayo dhaawaca saddexdaasi askari oo lagu sheegay mid fudud, inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka.

Ciidamada Puntland ayaa waxa ay Galgala kula dagaalamayaan xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana badi Shabaab ay ciidamada Puntland ay la beegsadaan qaraxyada noocan oo kale ah.

Post Comment