VIDEO-Madaxweynaha Puntland oo Hanjabaad Diray Sheegayna Inuusan Aqbali Doonin Dulqaadkii Gaas.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo ku-xigeenkisa ayaa maanta si rasmi ah ula wareegey xilka xafiiska madaxtooyada Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa sheegay inuusan aqbali doonin hal arrin oo looga bartay madaxweyne Gaas ahaydna inuu dulqaad badnaa waxkasta oo laga sheegana uusan tallaabo ka qaadi jirin.

Denni ayaa sheegay in dulqaadkii madaxweyne Gaas uu sababay in dhaleecayn iyo waxkasta sheeg uu soo boxo haseyeeshee xukuumaddiisu ay sharciga la tiigsan doonto ciddii ku xad gudubta.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.