VIDEO+WARBIXIN-Ciidankii Somaliland oo Soo Guurey iyo Tukaraq oo Waji Kale Yeelatay.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa durba ka soo cusboonaatay xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland kadib markii madaxweynaha Puntland loo doortay Siciid Cabdullaahi Denni.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu galabta ka helayno tuulada Tukaraq ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo heegan kujirey maalmihii ugu dambeeyey ay durba soo buux dhaafiyeen wadada laamiga ah ee isku xirtay Tukaraq iyo God-qaboobe gaar ahaan agga buundada KUN JEER ANIGAA KU JECEL.

Dadka deegaanka oo aan xiriir la samaynay ayaa sheegay in dagaal uusan socon haseyeeshee ay xaaladdu tahay mid aan la saadaalin karin isla markaana 72dii saac ee ugu dambeeyey aad ciidamadu ay u guur guurayeen.

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa durba ku dhawaaqay war uusan ku farxin maamulka Somaliland iyo dagaal lagu xoraynayo deegaamada maqan ee gobolka Sool.

Denni ayaa sheegay in  maamulka Somaliland uu ku soo xad gudbey xuduudaha dastuuriga ah ee Puntland isla amrkaana xukuumadda cusub ee uu dhisayo aysan marnaba u sii fiirsan doonin dhibaatada ciidanka Somaliand kawadaan gobolka Sool.

Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay hadalkii madaxweynaha cusub ee Puntlandd ku sheegay inay ka go’antahay xoraynta gobolka Sool.

Saleebaan Cali Koore oo ilaashanaya kursigii xukuumadda Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland hadalkiisu uusan jirin isla markaana magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uu yahay dhul ay leedahay Somaliland.

DAAWO

Post Comment