XOG WARAN-Maxaa Kajira In Ciidankii Puntland Soo Banneeyeen Furimaha Dagaalka Tukaraq Dulna Degeen Garoowe.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya in ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland ay soo banneeyeen furimaha dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool kadib doorashadii madaxweyne Denni.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Puntland oo aan xiriir la samaynay ayaa beeniyey wararkaasi waxaana ay sheegeen inay yihiin kuwa been abuur ah laguna doonayo in cadawga Puntland looga farxiyo maalmaha kala guurka ee doorashada.

“Ciidankeenu waxay ku sugan yihiin furimaha dagaalka Tukaraq iyo goobihii kale ee ay kaga sugnaayeen gobolka mana jiraan ciidamo ka baxay aggaasi, waxaase jira ciidamo aan ahayn kuwii Tukaraq oo ku sugnaa duleedka Garoowe kana qayb qaadanayey sugidda ammaanka doorashada” ayuu yiri sarkaal magiciisa aan shaacin.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo caawa warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garoowe ayaa waxa uu ugu baaqay ciidamada qalabka sida inay ku sugnaadaan goobaha ay ku sugan yihiin shaqadoodana qabsadaan.

DAAWO

Post Comment