BREAKING NEWS-Masuul Katirsan Somaliland oo Ciidamo Ku Weerareen Hargaysa Labada Lugoodna Xabad Kaga Jebiyeen.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Xarun caafimaad oo kutaal gudaha magaala madaxda Somaliland ee Hargaysa ayaa waxa lajiifiyey mid kamid ah masuuliyiinta maamulka Somaliland oo dhaawac halis ah soo gaarey.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ka badbaaday isku day dil, kadib markii nin hubaysan uu weeraray, waxaana lagu dhaawacay bog-cad banaan oo ku taala magaalada Hargaysa oo dad shacab ahi ay ku muransanaayeen.

Waxaa uu sheegay askari katirsan ciidamada Somaliland inuu dhaawaca u gaystay, isagoo xusay in labada bowdyood laga dhuftay xabadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.