BREAKING NEWS-Taliyihii Ciidanka Booliska oo Xilkii Laga Qaaday iyo Cabsi Saaka Ka Tagaana Mgaalada..

Taliyihii Booliska Ismaamulka Diridhabe Getajaw Asras ayaa xilkii laga qaaday kaddib markay ay ku cadaatay falal isku-dir shacabka magaalada wada daga, Sidoo kale waxaa ku cadaatay inuu lug kulahaa barakicintii iyo boobkii ka dhacay magaalada Diridhabe oo ay boobayeen askar kamid ah ciidanka booliska magaalada.

Xilka qaadista taliyahan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada Diridhabe gaar ahaan Soomaalida, Bishii aynu soo dhaafnay ayaa magaalada Diridhabe waxaa hadheeyay rabshado keenay barakac iyo boob ay gacan ka gaysanayeen booliska ismaanulka Diridhabe ee loo yaqaano Liyuuga.

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegay in Kastamka canshuuraha dalka Itoobiya laantiisa Jigjiga ay gacanta ku dhigeen lacag dollar ah oo dhan $25,000, Lacagtan ayaa sida Xafiiska Kastamka Canshuuruhu sheegeen waxaa lagu qabtay nin magaciisa lagu sheegay Axmed Yusuf Maxamed waxaana hadda ninkaas ku socota baadhitaan.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka reeban in aad lacagaha qalaad aad ku dhex-qaadato dalka gudihiisa taas oo sababta in sarifka suuqa-maduuw uu ka wanaagsanyahay sarifka bangiyada dalka Itoobiya

Post Comment